Adeegyada dhibbanayaasha dambiyada ee Victoria luqadda (Services for victims of crime in Victoria - Somali)

Khadka Caawinta Dhibbanayaasha Dambiga ee Dawladda Victoria waxay bixiyaan macluumaad bilaash ah, talo iyo taageero adiga iyo qoyskaaga.

Khadka Caawinta Dhibbanayaasha Dembiyada

Waxeey Furan Yihiin: 8:00-23:00, 7 maalmood usbuucii
Wac: 1800 819 817
Qoraalka: 0427 767 891
Email: vsa@justice.vic.gov.au

Wac, qoraal ama iimayl ugu dir khadka caawinta:

  • Wax ka ogow sida loogu gudbiyo denbiyada booliska
  • Wax ka ogoow adeegyada kale ee ku caawin kara
  • hel macluumaad ku saabsan sida nidaamka cadaalada Victoria u shaqeeyo
  • hel taageero haddii aad u baahan tahay inaad markhaati ka noqoto maxkamadda
  • Hel caawinaad ku saabsan codsashada magdhow iyo caawimaad dhaqaale - haddii aad xaq u leedahay
  • wax ka ogow waxa aad sameyn karto si aad adiga iyo reerkaagaba u nabad heshaan.

Haddii aad hadda khatar ku jirto, wac booliska saddex ebar (000). Waxaad sidoo kale aadi kartaa saldhiga booliska.

Waxaan u caawinaa dadka marxalado badan oo kaladuwan

Sannad kasta, waxaan caawinnaa kumanaan dad ah oo da 'kala duwan ah, jinsi iyo asal kala duwan oo dhibbaneyaal u ah dembi.

Waan ku caawin karnaa xitaa haddii aadan rabin inaad ku soo wargeliso booliska dembi

Waxaa jira sababo wanaagsan oo booliska loogu sheego dambi. Waxay u qaadan doonaan warbixintaada si dhab ah waxayna isku dayi doonaan inay soo qabtaan qofka dambiga galay. Iyaguna way ku difaaci karaan.

Haddii aadan diyaar u ahayn inaad sameyso warbixin ama aad ka walwalsan tahay inaad la hadasho booliska, khadka caawinta ayaa sameyn doona:

  • In ay kula hadlaan oo ay fahmaan xaaladaada
  • In aad hesho adeegyo ku caawin kara, xitaa haddii aadan rabin inaad soo sheegto dembiga
  • In ay kaa caawiyaan inaad la hadasho booliska, haddii aad rabto.

Waxaad isticmaali kartaa turjubaan

Khadka caawinta wuxuu kuu heli karaa turjubaan bilaash ah haddii aad mid u baahato. Waxa kale oo aad weydiisan kartaa qof kale inuu kuu soo waco khadka caawinta si laguugu helo turjubaan.

Si aad u hesho turjubaan

  1. Soo wac khadka caawinta 1800 819 817
  2. u sheeg magacaaga, lambarka taleefankaaga iyo luqaddaada
  3. turjubaan ayaa dib kuu soo wici doona.

Markuu turjubaanku kusoo waco, wuxuu ugu muuqan karaa inuu yahay 'lambar qaas ah' (‘blocked’), 'xanniban' (‘no caller ID’) ama 'Kharsoon' (‘private number’) taleefankaaga gacanta.

Services for victims of crime in Victoria - information in Somali (Soomaali)
PDF 105.21 KB
(opens in a new window)

Updated